Darawal mooto bajaaj oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta lagu dilay nin dhalinyaro ahaa, oo wade ka ahaa mooto bajaaj.

Dilkan ayaa waxaa gaystay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, iyadoona uu ka dhacay Wadada 21-ka October ee Degmada Waaberi.

Askariga oo la socday dhugdhugley ayaa ku horgooyay mooto bajaajta, iyadoo uu damac ka galay qaad xilligaa lagu siday bajaajta, oo ay leeyihiin haween la sheegay in qaadka ka ganacsadaan.

Goobjooge ayaa sheegay in ay murmayn askariga iyo wadihii mooto bajaajta, taasoo dhabaha u xaartay in rasaas uu huwiyo.

Goobjoogaha ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in askariga uu horey u sii qaatay qaadkaasi. Ciidamada ammaanka ayaana halkaasi gaaray, xilli uu baxsaday dembiilaha.

Muqdisho waa xudunta sida joogtada ahi loogu dilo dhalinyarada ka shaqeysata mooto bajaajta, waxaana bil kastaa la soo wariyaa in magaaladaasi lagu dilay wade mooto bajaaj.

Tan u baahan in la iftiimiyo waxaa weeye inay dhif iyo naadir tahay in gacanta lagu soo dhigo askarta dilalkaasi gaysata.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com