R/Wasaaraha Xukuumadda federalka Somaliya Maxamed Xuseen Rooble & Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka koonfur Galbeed.
Garoonka Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Lafta gareen & masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Intaasi kadib ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa loo galbiyay Madaxtooyadda Magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu shir kula leeyahay madaxda Koonfur Galbeed.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana sugaya amniga Ciidamada Booliska & Militariga.







Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com