Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo ku sii jeeda Magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta wuxuu ku wajahan yahay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana Magaalada laga dareemayaa soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uu ku tagaayo magaaladaasi.

Waa Safarkii ugu horeeyay tan & markii Ra’iisul Wasaaraha Somaliya la magacaabo uu ku tagaayo Magaalo ka mid ah Gobolada dalka Somaliya.

Boorar lagu soo dhaweynaayo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa la suray wadooyinka Magaalada Baydhabo, waxaana Magaalada lagu soo daadiyay Ciidamo badan.

Wasiiro ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha kaga sii horeeya Magaalada Baydhabo oo soo dhaweyn doono Wafdiga.

Inta uu joogo Ra’iisul Wasaaraha Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu booqan doonaa Xarumaha Ciidamada Magaaladaasi, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com