Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo kulamo ka wada Magaalada Baydhabo ayaa markaan waxa uu la kulmay Golaha Wasiirada ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa caawa Golaha Wasiirada ee Koonfur Galbeed kala hadlay wadashaqeynta dhexdooda iyo xukuumadda uu hoggaamiyo iyo weliba inay si dhow ula shaqeeyan Guddiyada Doorashooyinka, Xalinta Khilaafaadka iyo Odayaasha Dhaqanka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka dadweynaha waxa uu ku yiri “Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Somaliya ayaan kala hadlay wadashaqeynta dhexdooda ah iyo Xukuumadda JFS, la shaqeynta Guddiyada Doorashooyinka & Xalinta khilaafaadka ee Heer Federaal & Dowlad Goboleed, Odayaasha Dhaqanka iyo Ururada Bulshada, si ay dalka uga dhacdo doorasho hufan.”
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa maanta Magaalada Baydhabo u tagay arrimaha doorashooyinka, dardargelintooda iyo suggida amniga magaaladaasi, oo lagu wado in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Waa safarkii ugu horeeyay oo gudaha ah uu Ra’iisal Wasaaruhu ku taggo Magaalada Baydhabo, tan iyo markii xilka loo dhaariyay 23-kii bishii September.













Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com