SAWIRRO: Shil Khasaare gaystay oo ka dhacay deeganada Puntland

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Shil gaystay Khasaare kala duwan oo hanti & naf isugu jirta.

Ilaa shan gaari oo Xamuul ah, ayaa lagu soo warramayaa in ay isku dhaceen saqdii dhexe ee xalay, xilli ay marayeen Tuulada Shire oo qiyaastii 150KM dhanka bari kaga beegan caasimadda Puntland ee Garoowe, halka ay Qardho Koonfur ka xigto 52KM.

Gaari noociisa uu yahay Candhamayd ayaa ku dhacay saddex Waaraad iyo gaari kale oo nooca Tallaagadaha kalluunka qaada ah, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay laba ruux oo keliya, halka ay ku baaba’day hanti fara badan.

Maydka mid kamid ah dadka dhintay ayaa weli ku hoos jira gawaarida dhacday midkood, waxaan socda dadaal lagu doonayo in maydka looga soo saaro gaariga hoostiisa, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ilaalada Waddooyinka Puntland.

Shilalka gaadiidka, ayaa todobaadyadii u dambeeyay ku soo badanaya Laamiga dheer ee xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso, gaar ahaanna inta u dhexaysa Qardho iyo Garoowe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com