Xasan Sheekh: Maanta dalka wuxuu maraa in Tooratoorow loo xukun doonto

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa si wayn u dhaliilay hanaanka Cadaaladeed ee Hay’addaha Garsoorka dalka xilligaan uu maraayo, kadib markii uu ka qayb galay Dood ka baxeysay mid ka mid Tvyada dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay Garsoorka dalka xilligaan inuu maraayo dadka inay aadaan dhulka Shabaab ay ka taliyaan oo Cadaaladda ay u raadsadaan, taasina ay tahay ayaandaro wayn.

Wuxuu sheegay 2016-kii Garsoorka dalka inuu xoogaa hagaagsanaa oo dadka aysan aadi jirin Tooratoorow, balse hadda dadka ay aadaan deeganada Shabaab ay ka taliyaan.

Madaxweyne Xasan oo arrinkan ka hadlayey ayaa yiri “ Laakin Tooratoorow looma cadaalad tagi jirin, dadku maxkamadaha ayey tagi jireen, tabarta ha iska jirto, waa la iiga gar daran yahay, inta la iiga dhacay mar weliba waa jirtay, laakin inta saraakiisha dowladda iyo siyaasiyiinta iyo ganacsatada inta caasiyo la iska daba qaato, Tooratoorow waxay aheyd meel dhib badan oo Shabaab laga raacdeeyo, laakin Shabaab meel ay dageen, inta nastaan, maxkamado ka dhigtaan inta dadka ugu yeertaan, ku xukmaan, maya ma ahaan jirin, maanta dalku waxaa uu taagan yahay in Tooratoorow loo xukun tago, cadaaladdii 2016-kii jirtay iyo midda maantana midda rasmiga ah ee lagu cabiri kari taas waaye.

Dad badan oo ku qanci waayay hanaanka Garsoorka Dowladda ayaa aaday deeeganada Shabaab ay ka taliyaan oo Cadaalad u doontay, taasi oo muujinaysa hanaanka liita ee Garsoorka Dowladda Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com