Musharaxiinta oo kulan gaar la qaatay Xildhibaano ka soo jeedo Waqooyi (SAWIRRO)

Shirka Musharaxiinta ee ka socda Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho, ayaa maanta ka duwanaa labadii maalin ee la soo dhaafay, waxaana maanta Shirka ku soo biiray Siyaasiyiin & Xildhibaano ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee dalka.

Xildhibaanada & Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee dalka, ayaanan ku qanacsaneyn Guddiga Doorashada ee Mahdi Guuleed magacaabay, kuwasi oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa , Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Ibraahim iidle Suleeymaan, Wasiir hore ee Arrrimaha Dibadda Xildhibaan Fowsiya Xaaji Aadan iyo Xubno kale.

Dhamaan Xubnahan ayaa muujinaya Walaaca la xiriira Guddiga Doorashada ee Gobolada Waqooyi, waxaana dartood muddo hal maalin ah loogu daray Shirka oo balanta ay aheyd in maanta la soo gaba gabeeyo, balse berri laga dhigay sida wararka ay sheegayaan.

Walaaca la xiriira Guddiyada Doorashada ee dalka ayaa sii kordhaya, iyadoo Dowladda Somaliya oo horay arrintaan uga hadashay ay sheegtay Guddiyada inay yihiin kuwa dowladda soo magacowday oo lagu qanacsan yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com