Wararkii ugu dambeeyay Shirka Musharaxiinta Mucaaradka iyo saamaynta uu yeelan karo

Waxaa weli Magaalada Muqdisho ka socda shirka ay ku leeyihiin Madaxda Musharaxiinta Mucaaradka, kaasoo lagu waday in gelinkii dambe ee maanta la soo geba-gabeeyo.

Shirka oo Sabtidii ka furmay Magaalada Muqdisho ayuu ujeedkiisu ahaa inuu socdo saddex maalmood, balse loo baahday maalin dheeri ah, iyadoona la fillayo in la soo geba-gabeeyo Talaadada berrito ah.

Qodobka ugu weyn ee shirka looga hadlayo ayaa ah saluugga ay Musharaxiinta Mucaaradka ka keenayn dhabaha ay Dowladda Federaalka u mareyso maamulidda doorashada, oo ay ugu horeyso Guddiyada Doorashooyinka, oo qaarkood ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Saraakiisha NISA iyo Shaqaalaha Rayidka ee Xafiisyada Madaxda.

Waxay kaloo Musharaxiinta Mucaaradka ka biyo diidan yihiin xubnaha cusub ee toddobaadkii hore lagu biiriyay Guddiyada Doorashooyinka, ee shan iyo tobanka xubnood gaaraya.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale doonaya in Guddiyada Doorashooyinka, kuwooda ka imaanaya Gobolada Waqooyi looga dambeeyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Gudoomiye Xaashi iyo xubno kale oo ka soo jeeda Somaliland, oo isugu jira Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta ku biiray shirkaasi.

Qodobo ayaa la fillaya in gelinka dambe ee Talaadada laga soo saaro Shirka Musharaxiinta Mucaaradka ku leeyihiin Caasimadda Muqdisho.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa caawa u tagay Musharaxiinta Mucaaradka, oo shirku uga socdo Hotel Jazeera. Wararka ayaa sheegaya in Mursal iyo Muudey uu soo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, mana cadda waxyaabaha ay kala hadleen musharaxiintaasi, inkastoo loo fishay mid uun la xiriirta arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Saamaynta uu shirkan yeeshay ayaa lagu sheegay, iyadoo markii hore baaqyadooda mid mid uun loo maqli jiray, balse ay markaan baaq adag soo saari doonaan, iyagoo madal qura wada-fadhiya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale aad u hadalhaya shirka illaa afar iyo tobanka musharax ee mucaaradka ah uga socda Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa ku khasbanaan doonto inay wax ka bedesho Guddiyada Doorashooyinka Qaranka, haddii intaan oo musharax ay ka biyo diidaan ka qaybgalka waxa ay ugu yeereen doorasho ku shubasho iyo boob ah. Musharaxiintan oo ay ku jiraan madax horey dalka xilal uga soo qabtay ayaa caqabad kale ku noqon kara Villa Somalia, haddii ay ku adkeysato inay dalka ka qabato doorasho aan loo dhammeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com