SAWIRRO: Wasiirka Qorsheynta & Safiirka Turkiga oo kulan gaar yeeshay

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mehmet Yilmaz, ayaa kusoo booqday Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha Danjire Gamal M. Hassan, Xarunta Wasaaradda. Waxaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Xiriirka iskaashi ee labada waddan, gaar ahaan kan maalgashiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan sare u qaadista maalgashiga shisheeye guud ahaan, gaar ahaan maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa wasiirka ku weheliyay shirka Agaasimaha waaxda Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) Mudane Mohamed Dubo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com