Wasiirkii hore Amniga Puntland oo Turkiga ku geeriyooday

Wasiirkii hore ee amniga Puntland, Khaliif Ciise Mudan ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaas oo uu muddooyinkii dambe ugu sugnaa howla caafimaad, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelkiisa.

Geeridiisa ayaa saaka Warbaahinta waxaa u xaqiijiyay qaar ka mid ehelada Marxuumka oo sheegay xanuuno haayo inuu u geeriyooday Jeneraal Khaliif Ciise Mudan.

Marxuum Khaliif Ciise Mudan ayaa hadda ahaa la taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Khaliif Ciise Mudan ayaa horay u soo noqday Taliyihii Ciidanka Cirka dowladii Maxamed Siyaad Barre.

Intii uu haayay xilka Wasiirkii Amniga Puntland waxaa lagu xasuustaa dagaaladii adkaa ee uu la galay Shabaab & sida wanaagsan ee ammaanka deeganada Puntland uga shaqeeyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com