Halyeeygii kubadda cagta ee reer Argentine, Diego Maradona ayaa geeriyooday, isagoo jira 60 sano, ka dib markii uu wadnaha istaagay.
Tababaraha Gimnasia ayaa horaantii bishan la dhigay isbitaalka, maalmo yar uun ka dib, markii uu u dabaaldegay dhalashadiisa taariikhiga ah, xilli uu ka cawday niyad xumo iyo daal.

Dhakhaatiirta ayaa ku guuleystay inay qaliin uga sameeyaan maskaxda, ka dib markii baaritaano lagu marsiiyay Rugta Caafimaadka ee La Plata, laguna ogaaday in xinjirowga dhiigga ee maskaxda uu la xanuunsanayo.
Maradona oo laba toddobaad ka hor laga saaray isbitaalka ayaa goor dhow ku geeriyooday hoygiisa, isagoo 60 jir ah.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com