Lafta-gareen oo duray mucaaradka ku shirsan Magaalada Muqdisho

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay walaaca, ay Musharaxiinta Mucaaradka ka qabaan Guddiyada Doorashooyinka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu noqday Madaxweynihii 4aad ee soo magacaaba Guddiyada Doorashooyinka, xubnahooda ka imaanaya Koonfur Galbeed, ka dib markii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka heshiiyeen nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa 2020/21.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xubnaha uu magacaabay laga garanayo Koonfur Galbeed, isla-markaana aanay ka tirsanayn Shaqaalaha Rayidka ee Koonfur Galbeed, isagoo intaa ku daray inaanay wax shaqo ah ku lahayn arrimo siyaasadeed.

Maamulada kale ee aan weli soo magacaabin xubnaha Guddiyada Doorashooyinka (Puntland iyo Jubbaland) ayuu ugu baaqay inay soo gudbiyaan, si loo fuliyo heshiisyadii lagu gaaray Dhuusamareeb iyo Muqdisho, lagana fogaado dib u dhac ku yimaada doorashada.

Madaxweyne Lafta-gareen oo soo hadalqaaday walaaca ay qabaan Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sheegay in looga baahan yahay inay kalsooni muujiyaan, isla-markaana ay u diyaargaroobaan ka qayb qaadashada doorashada.

Lafta-gareen ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka ugu baaqay inaanay dhanka xun uun ka eegin waxa wanaagsan buu yiri ee aan sameynayno.

‚ÄúDadka shiraya ee diidan Guddiyada Doorashooyinka maaha inay xumaan ka eeggaan waxa wanaagsan ee aan sameynayno.” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu sagootinayay wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ee maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Baydhabo.

Lafta-gareen oo duraayay Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, sida Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri “Dadka cabashada qaban ee guddiyada ka cabanaya oo madaxdii hore ah, waxaan ka codsanayaa inta ay keligood meel fariistaan wixii ay soo sameeyeen ha soo xusuusteen, ha yiraahdeen adi maxaad soo sameysay, waxa fiican ee sameynaynana ha taageeraan, ee yeysan u xiisin wixii xumaa ee sameynaayeen inaan sameyno.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com