Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Maanta oo Arbaca ah kulan la qaaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez
Labada Masuul ayaa waxaa ay kawada hadaleen Xalinta Maareynta Barakacayaasha iyo soo dedejinta shaqooyinka Midowga Yurub ka wado Soomaaliya.
Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez ayaa sheegay in Midowga Yurub uu kordhinayo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com