Qarax Khasaare gaystay oo lala eegtay Ciidamada Haramcad

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in miino la dhigay wadada dhinaceeda jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye uu ku qarxay gaari ay leeyihiin ciidanka booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa gaarka ah ee Haramcad.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in saddex askari ay ku dhaawacmeen qaraxa isla markaana uu bur bur soo gaaray gaarigii ay ciidanku wateen.

Ciidankan ayaa maalin kasta roondo ka sameeyaa waddada iyagoo ilaalo ka haya shaqaallaha shirkad Turki ah oo dhisaysa laamiga u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan waxase aalaaba qaraxyada waddooyinka hareerahooda la dhigo ee lagu weeraro ciidamada dawladda sheegta ururka Al-Shabaab.

Wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye ayaa waxaa ka socda dhisme laami ah oo ay dhisayaan Injineero u dhashay dalka Turkiga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com