Magaalada Muqdisho waxaa muddo lix maalin oo xiriir ah uu kulan uga socday musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo kulankooda uga hadlayay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya & walaac ay ka qabaan Guddiyada doorashooyinka ee la Magacaabay.
Maalmihii uu kulanka socday ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, Urrurada Bulshada rayidka, Ganacsatada Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, Cullimada Soomaaliyeed, Madaxda Warbaahinta, & Wakiilada Beesha Caalamka  waxaana munaasabad ka dhacday muqdisho Maanta laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 18 qodob.



Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com