Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si kulul u weeraray Midowga Musharaxiinta, oo maanta soo saaray qodobo xasaasi ah.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay kulan lagu taageerayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa su’aalo ka keenay, sida ay wax u wadaan Midowga Musharaxiinta.
“Maanta in nalagu handado Hawiye ayaan ahay, qori ayaan soo qaadanayaa sax miyaa? Dhinaca kale fiiriya Ra’iisal Wasaare Rooble, Hawiye maaha miyaa?”
Waxa kaloo uu yiri “Anigu Gudoomiyihii Gobolka ayaan ahay, gobolkan masuuliyadiisa amnigiisa aniga ayay i saaran tahay. Hawiye maahi miyaa mise duurkaan ka imid?”

Duqa Muqdisho oo garab iyo gaashaanba u muujiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inaanay Midowga Musharaxiinta carqaladeen karin xasiloonida dalka.
“Kuma dhici karaan inay qash-qashaadaan xasiloonida aanu wada ognahay inta wiil ee nooga dhimatay, ogaada kuwa soo diray ayay u muujinayaan inay u shaqeeyaan, xaqiiqadu waa sidaas. Hadii ay isku dayaan inay qalalaase abuuraan ALLE ayaa inoo sheegay talaabta aan ka qaadi lahayn.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Midowga Musharaxiinta ay culeys siyaasadeed ku hayaan Villa Somalia, si ay wax kaga bedesho dhabaha ay u mareyso maamulidda arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com