Musharaxiinta oo dalbaday xilka in laga qaado Fahad Yaasiin

Musharaxiinta xilka Madaxtinimada Somaliya oo maalmahan Shir xasaasi ah uga socday Magaalada Muqdisho, ahaa gunaanadka Shirkooda ka soo saaray dalab ah in xilka laga qaado Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin waa Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Somaliya, horayna wuxuu u soo ahaa Agaasimihii Villa Somaliya, waana gacanta midig ee Madaxweyne Farmaajo.

Qodobka 11aad oo kamid ah 18 qodob oo ay musharixiinta soo saareen ayaa waxaa ay ku sheegeen In , iyada oo la cuskanaayo mabaadi’da ku xusan  dhamaan faqrooyinka qodobka 127aad ee Dastuurka KMG ah uu taliyaha Hay’adda Nabadsugida Fahad Yaasiin uu baneeyo xilka Hay’adda NISA maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada musharax Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo sugo dhex dhexaadnimada Hay’adda NISA.

Lama oga sida Madaxweyne Farmaajo uu ku fulin doono dalabka Musharaxiinta ay ku doonayaan in xilka looga qaado Fahad Yaasiin.

Doorashada Somaliya ayaa waxaa hareeyay buuq & eedeymo kala duwan oo ku aadan hanaanka hufnaanta ee doorashada loo qabanaayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com