Sarkaal ka tirsan CIA-da Mareykanka oo Somaliya lagu dilay

Shabakada Wararka CNN-ka ayaa sheegtay in Sarkaal sare oo ka tirsan CIA-da Mareykanka lagu dilay Somalia.

CNN-ka ayaa soo xiganaya Mas’uul hore oo ka tirsanaa Ciidanka Badda Mareykanka ee Navy SEAL kaa oo diiday magaciisa in warbaahinta loo adeegsado kaa oo cadeyay in Sarkaalka la dilay uu ku dhawaacmay Dagaal ay la galeen Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab inkastoo Markii dambe u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Sarkaalkaan ayaan la sheegin magaciisa, CID-da Mareykanka oo warkaan wax laga weydiiyay ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin.

Dilka sarkaalkaan ayaa imaanaya iyadoo uu Madaxweynaha Xilka kasii dhamaanayo Donald Trump uu sheegay inuu dhimayo ciidankiisa ka jooga Somalia oo in kabadan 600 askari kasaari doono Somalia.

Ciidanka Mareykanka ee Somaliya jooga ayaa waxa ay ku hawlgalaan Garoonka Diyaaradaha Ballidoogle, halkaasi oo ay ka abaabulaan weerarada gaadmada ah ee deeganada Shabaabka joogaan lagu qaado, iyadoo lagu daadanaayo diyaarado.

Hawlgalka Africom ee Ciidamadan Mareykanka hoostagaan wali si rasmi ah ugama aysan hadlin, dilka Sarkaalkaan ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee Somaliya jooga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com