Shariif Sheekh Axmed oo gaaray Magaalada Baydhabo

Madaxweynihii hore ee Somaliya Ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed & Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, waxaana si gaar ah Safarkiisa ugu wehliya Xuseen Cabdi Xalane, oo ah Xoghayaha Midowga Musharaxiinta ahna Musharax Madaxweyne.

Sida qorshaha uu yahay Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa ku hooyan doona Magaalada Baydhabo, halkaasoo uu saacadaha soo socdo kula kulmi doono Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

Musharaxiinta ayaa wada qorshooyin kala duwan, oo ay kula kulmayaan Madaxda Maamul Goboledyada, si taageero uga hellaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com