Xildhibaan Mahad Salaad oo u jawaabay Duqa Magaalada Muqdisho

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa ka falceliyay hadalkii maanta ka soo yeeray Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Duqa Muqdisho oo ka jawaabayay Warmurtiyeedkii ay maanta soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inaanay qalqal-gelin karin xasiloonida dalka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa Duqa Muqdisho ugu baaqay in uu iska dhiggo waxa uu ugu yeeray qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen.

“Cumar Finish wuxuu yiri musharaxiinta meeshii lagu arko halagu dilo. Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig, adigu haku gubanine.” Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Mahad Maxamed Salaad ayaa Duqa Muqdisho ugu yeeray, bal marka hore inuu bixiyo lacagaha biilka, ee korontada uga go’an tahay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

“Haddii dhego wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee Duqiyow Xarunta Dowladda Hoose, Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi.” Ayuu yiri Mudanaha Golaha Shacabka ka tirsan.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa warkan ku sheegay qoraal uu caawa soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada xiriiriso ee Facebook.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com