Dagaal culus oo dib uga qarxay Gobolka Tigreyga iyo duqayn ku bilaabatay Mekelle

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Militariga iyo Xoogaga Tigreyga ayaa dib uga qarxay deegaanada hoos-tagga Magaalada Mekelle ee Xarunta Maamulka Tigreyga.

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii Dowladda Itoobiya ay sheegtay inay dhammaatay saddexdii maalmood, ee la amray inay isu soo dhiibaan Hoggaanka Tigreyga. Dowladdu waxay sheegtay in fursadaasi ay ka faa’iideysteen kumanaan isugu jira maleeshiyaad iyo booliska deegaanada Tigreyga, oo dowladda isu soo dhiibay.

Ciidamada Militariga oo taageero dhanka cirka ah ka helaaya diyaaradaha dagaalka ayaa ku sii siqaaya Magaalada Mekelle, inkastoo aan la garanayn masaafada ay u jiraan magaaladaasi. Diyaaradaha dagaalka ayaa bilaabay inay garaacaan bartilmaameedyo cayiman, oo ku yaala Magaalada Mekelle.

Taliyaha Ciidanka Sirdoonka ee Itoobiya, Temesgen Tiruneh ayaa sheegay inay si wanaagsan ula socdaan dhufeysyada muhiimka ah iyo goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan Hoggaanka Maamulka Tigreyga, waxa uu intaa ku daray in maalmaha soo socda ay Ciidamada Federaalka tallaabo ka qaadi doonaan.

Demelasha Gebremichael, Taliyaha Booliska Itoobiya ayaa isna sheegay in Magaalada Mekelle uu ka helay macluumaad sheegaya in Xoogaga Tigreyga iyo dhalinyaro ay abaabuleen in ay isu diyaarinayaan inay xasuuq u gaystaan dadka ku nool magaaladaasi, ee aan deegaanka ahayn.

Hoggaamiyaha Maamulka Tigreyga, Debretsion Gabresilasie ayaa Telefishinka TPLF u sheegay in ciidamadiisu u diyaargaroobeen inay u dhintaan difaacidda xuquuqda ay u leeyihiin in ay ismaamulaan.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii sheegay in la gaaray wejigii ugu dambeeyay, ee dagaalka ka dhanka ah Maamulka Gobolka Tigreyga.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in laga taxadari doono shacabka ku nool Magaalada Mekelle. Hawlgalkan ayuu ku sheegay mid magaalada looga sifeynayo kuwa la doon-doonayo.

Dadaaladii uu garwadeenka ka ahaa Ururka Midowga Afrika, isla-markaana ay taageereysay Qaramada Midoobey ayaa u muuqda mid guuldareystay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com