Dabley hubaysan oo Nabadoon ku toogtay Magaalada Gaalkacyo

Dabley hubaysan ayaa maanta Barqadii waxa ay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ku toogteen Nabadoon caan ka ahaa Magaaladaasi.

Dableyda ayaa waxa ay beegsadeen nabadoon Nadiir Sheekh Maxamed, xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Gaalkacyo, isla markaana qeybaha sare ee jirka looga dhuftay rasaas dhowr ah oo markii dambe u geeriyooday.

Kooxda dilka gaysatay oo laba nin ahaa ayaa ku cararay luuq ku yaalay goobta Nabadoonka ay ku dileen, waxaana markii dambe meesha tagay Ciidamada ammaanka.

Ma jirto dad loo soo qabtay dilkaasi Nabadoonka maanta Barqadii loogu gaystay Magaalada Gaalkacyo qaybteeda Waqooyi.

Dilalka loo gaysanaayo Nabadoonada & dadka waxgalka u ah Bulshada ayaa ku sii kordhaayo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com