Abiy Ahmed oo ku dhawaaqay in la qabtay Mekelle

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa daqiiqado ka hor iclaamiyay in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigreyga.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Warsaxaafadeed uu caawa soo saaray waxa uu ku sheegay in Ciidamada Federaalka ay la waregeen Garoonka Diyaaradaha, Xarunta Gobolka, Xafiisyada Hay’adaha Dowliga iyo xarumo kale.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inay tani ka dhigan yahay inuu dhammaaday wejigii 3aad, ee hawlgalka lagu qabanayay Magaalada Mekelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada Booliska ay sii wadi doonaan qorshaha lagu doonayo in lagu soo qabqabto Hoggaanka Maamulka Tigreyga, si loo horkeeno maxkamad.

Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa shacabka Tigreyga ku ammaanay inay dhinac walba iska garab taaggeen Ciidamada Federaalka.

Militariga Itoobiya ayaa Jimcihii bilaabay wejiga 3aad ee hawlgalkan, ka dib markii uu dhammaaday saddexdii maalmood, ee loo qabtay Madaxda Tigreyga, si ay dowladda isugu soo dhiibaan.

Ciidamada Militariga ayaa maanta duqayntii ugu cusleyd ka gaystay Magaalada Mekelle. Diyaaradaha dagaalka iyo ciidanka goobta ee ku qalabeysan madaafiicda ridada dheer ayaa si weyn u garaacay magaaladaasi.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Hoggaanka Tigreyga, ee ku aadan warka ka soo baxay Xukuumadda Addis Ababa ee sheegaya in lagala wareegay gacan ku haynta xaruntoodii Mekelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com