Dhalinyaradii xalay qaraxa Ismiidaaminta lagu laayay oo maanta la aasayo & magacyadooda

Allaha u naxariisto waxaa saaka aas wadajir ah Magaalada Muqdisho loogu sameynayaa todobo dhalinyaro ah oo xalay lagu laayay Qarax Ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday Maqaayada Gelato Devino oo ku taallo wadada Airportka.

Ruux waxyaabaha Qarxa isku soo xiray ayaa ilinka hore ee maqaayada isku qarxiyay, waxaana uu galaaftay Nolosha 7 Dhalinyaro ah, halka uu dhaawac sideed kale.

Sida qorshaha uu yahay dhalinyaradaasi, ayaa saaka waxaa loo sameynayaa aas wadareed, waxaana lagu aasi doonaa Isbitaalka Madiino ee Magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada dhintay ayaa waxaa isugu jireen Shaqaalw dowladeed, Ganacsato & dhalinyaro dhawaan waxbarasho soo dhameysay oo dalka dib ugu soo laabtay.

Magacyada 8 qof oo dhammaantood ahaa dhallinyaro ayaa kala ah.

1: Ibrahim Abdi
2. Bishaar Cabdukadir
3. Abdulahi Abdi Jamac
4. Abdirisaak UK
5. Abdullahi Suldan
6. Abdirashiid Taataa
7. Cali Daahir (Cali Yare)

Muqdisho waxaa ka jirta xaalad cakiran oo dhanka ammaanka ah, waxaana walaac xoog leh uu ka jiraa goobaha Bulshada ay isugu timaado.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com