Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Qarax lala eegtay

Qarax miino oo ka dhacay Degmada Cabdi Casiis ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa lala eegtay gaari uu watay Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Waashitoon.

Qaraxan ayaa la dhigay meel ku dhaw Isbitaalka Laanzareeti ee Degmada C/casiis, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen Askartii la socotay Maareeyaha Qaarkood.

Ugu yaraan laba Askari ayaa Qaraxaasi ku dhaawacmay, waxaana Bur bur soo gaaray gaariga uu watay Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Waashitoon.

Muqdisho ayaa maalmahan dambe waxaa ka jirta xaalad amnidaro oo wayn, waxaana Magaalada ka dhacaya Qaraxyo Miino oo Shabaab ay ka dambeeyaan.

Xalay ayeey aheyd markii Qarax Ismiidaamin uu ka dhacay Maqaayada Gelato Devino, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo ka mid ahaa dhalinyarada Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com