Rooble oo kulan deg deg ah isugu yeeray laamaha ammaanka (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan deg deg ah isugu yeeray laamaha ammaanka ee dalka, ka dib qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo xubno kale.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xubnahan ka dhageystay warbixin la xiriirta amniga dalka, gaar ahaan ismiidaamintii xalay ka dhacday maqaaxida Gelato Devino, ee lagu laayay dhalinyarada.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa faray wax ka qabashada xaaladda amni ee magaalada iyo dardargelinteedaba, xilli dalka uu wajahayo marxalad kala guur ah.

“Ka dib falkii argagixisadu xalay ku laayeen dad rayid ah oo dhallinyaro u badnaa maqaaxida Gelato Devino ee Muqdisho, waxaan Wasiirka Smniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada faray in ay xoojiyaan amniga Caasimadda, shacabkana waxaan ka codsanayaa inay u midoobaan argagixisada nabadda iyo noloshaba u diiddan.” Ayuu yiri Rooble oo Warbaahinta la hadlay.

Sidii caadada ahayd kulankan ayaa waxaan ka qaybgelin Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Shaqada Sirdoonka oo ah xuuraansiga iyo ka hortagga weerarada ayaad mooddaa in Taliyuhu uu shaqadiisii ka gaabiyay. Midowga Musharaxiinta waxayba ku eedeeyeen inuu yahay Madaxa Ololaha Dib U Doorashada ee Madaxweyne Farmaajo, iyagoona ugu baaqay in uu is casilo.

Inta taariikhdu qoreyso Fahad Yaasiin hal jeer xitaa kama aanu qaybgelin amaba kama soo muuqan intii kulan, ee amniga dalka looga hadlayay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com