Waxaa maanta Magaalada Muqdisho aas loogu sameeyay allaha u naxariistee dhalinyaradii xalay lagu laayay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Maqaayada Gelato Devino ee Muqdisho.
7 dhalinyaro ah ayaa Qaraxaasi ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale, 5 ka mid dhalinyaradaasi, ayaa waxaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaalka Xoogga dalka.
Laba ka mid dhalinyarada waxa ay la shaqeynayeen Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Somaliya, halka midna uu la shaqeynaayay Hay’addaha UNKA qaar kalena ay ahaayeen arday & ganacsato.
Boqolaal ka mid dadweynaha reer Muqdisho ayaa ka soo qayb galay aaska, kuwasi oo wajiyadooda ay ka muuqatay murugo wayn.



Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com