Dowladda Somaliya oo amar ku bixisay Safiirka Kenya inuu dalka ka baxo

Dowladda Somaliya ayaa amar cad ku bixisay in dalkiisa uu ku laabto, islamarkaana wadatashi uu aado Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Somaliya.

Qoraal ka soo baxay dowladda Somaliya ayaa sidoo kale loogu yeeray Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan inuu dalka dib ugu soo laabto.

Dowladda Somaliya ayaa arrintaan ku sababeysay faragelin Kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Somaliya.

Ma cadda hanaanka faragelinta Somaliya ay ku eedeysay Kenya, balse labada dal ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhex socday wada hadal u muuqda inuu fashil ku dhamaaday.

Kenya ayaa faragalin toos ah waxa ay ku haysaa Arrimaha Jubbaland, inkastoo dowladda Somaliya aysan toos u cadeyn nooca faragelinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com