Macalin Ilkacase & laba ka mid ahaa amniyaadkiisa oo la toogtay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay xukun dil ah ku fulisay Maxamed Xaaji Axmed oo Caan ku ahaa ( Macalin Ilkacase) iyo laba Xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Fagaaraha Dugsiga Tababarka Janeraal Kaahiye ee Iskuul Bulusiya ayaa saakay waxaa lagu toogtay  Maxamed Xaaji Axmed ( Macalin Ilkacase) iyo Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, kuwaas oo lagu helay dilal kala duwan oo ay ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 19-kii Bishii July ee sanadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase & Xubno kale,kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dil ah oo horay loogu riday, kuwaas oo Maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.