Wararkii ugu dambeeyay nabadoon caawa lagu dilay Beledweyne

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dilka nin nabadoon ahaa caawa loogu gaystay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegow) waxay ku toogteen, oo ku dileen xaafadda Hawlwadeeg.

Raggan ayaa waxaa u suurtagashay in ay ka baxsadaan gacanta sharciga. Ciidamada ammaanka ayaa daqiiqado ka dib gaaray halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano, ay ku doonayaan inay gacanta ugu soo dhigaan dhagarqabe-yaasha.

Nabadoon Xasan Tiyeegow ayaa ka mid ahaa nabadoonada, sida weyn looga garanayo Magaalada Beledweyne.

Ma cadda cidda dhabta ahi ee dishay ninka nabadoonka ah, balse waxaa dilkiisa lala xiririnaya maleeshiyada Al Shabaab.

Sabtidii ayay ahayd markii Nabadoon Nadiir Sheekh Maxamed lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoona ay baxsadeen rag bastoolado ku hubeysnaa oo dilkiisa gaystay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com