Cali Yare oo kulankii ugu horeeyay la qaatay Guddoomiye Ku xigeenada amniga Degmooyinka (SAWIRRO)

Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa Aqalka Dowladda Hoose maanta kulan la qaatay Guddoomiye Ku Xigeenada Amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda Amniga looga dhageystay Maamulladda Degmooyinka, waxaana intaas kadib Guddolmiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda kula dar-daarmay iney sii lana jibaaraan Howlaha Shaqo ee ay u hayaan Bulshada.

Kulanka Waxaa Goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Amniga, La-taliyaha Duqa Magaalada Muqdisho dhinaca Amniga iyo Agaasimaha Xiriirka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Ku xigeenada amniga Degmooyinka ayaa balan qaaday inay dardargelin doonaan shaqooyinka ay u hayaan Bulshada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com