Dr. Yuusuf Axmed Gaayac oo caawa lagu dilay Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi lagu dilay Dr. Yuusuf Axmed Gaayac, oo loo yaqaanay (Yuusuf Yare).

Dhakhtarka oo si weyn looga garanayay Magaalada Kismaayo ayaa caweyskii waxaa lagu dhex dilay rug caafimaad, oo uu ku lahaa xaafadda Via Afmadow, gaar ahaan Isgoyska Caasho Deerow.

Rag ku hubeysnaa qoryo AK47 ahaa ayaa la tilmaamay in ay ugu galeen rugtiisii caafimaad, isla-markaana ay ku dhex dileen.

Raggan oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Ciidamada Jubbaland ayaa dilka ka dib isaga tagay goobtaasi, mana jirto cid juhdi ku bixisay soo qabashadooda.

Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Magaalada Kismaayo oo markii dambe gaaray halkaasi ayaa ka soo qaaday meydka marxuumka, iyagoona geeyay Isbitaalka guud ee Kismaayo.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa dilka dhakhtarkaasi, balse waxaa Jubbaland lagu eedeeyaa in ciddii aan ku mowqif ahayn, ay gacan adag ku wajahdo.

Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin dilka ninka dhakhtarka ahi loogu gaystay Via Afmadow.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com