Kenya oo war rasmi ka soo saartay Safiirkeeda laga cayriyay Somaliya

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay inaysan weli Soomaaliya ka helin xiriir rasmi ah oo ku saabsan go’aan la xiriira inay dalkiisa usoo dirtay safiirkii Kenya ee Muqdisho, Lucas Tumbo.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay, in si kastaba, ay ka war-heshay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo ay ugu yeeratay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi, islamarkaana dalkiisa ugu soo dirtay midkii Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay si qoto dheer ugu xun tahay ficillada dowladda Soomaaliya, ay dalkiisa ugu soo dirtay safiir Lucas Tumbo, kuwaasi oo ay ku sheegtay “kuwa nasiib darro ah.”

“Ficilkan waxaa loo sababeeyay eedeymo aan la xaqiijin, oo ku saabsan faragelin Kenya ay ku hayso arrimaha gudaha ee Somaliya. Dowladda Kenya waxay ixtiraamaysaa mabaadii’da caalamiga ah, aaya-ka-tashiga, qaranimada, madax-bannaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com