Ma’ogtahay in Safiirka Kenya laga eryay dalka, isagoo ku sugan Nairobi

Somaliya ayaa dalkeeda ka eriday Safiirkii Kenya, ka dib markii ay Xukuumadda Nairobi ku eedeysay inay fara-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha.

Amb. Lucas Tumbo, Safiirka Kenya ee Somaliya ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya. Tallaabada lagu eryay waxay ku soo aadaysaa, isagoo dalka ka maqan.

Sidoo kale waxa ay Dowladda Somaliya sheegtay inay u yeeratay Safiirkeedii Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Waxaa xusid mudan in Tarsan uu qudhiisu maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Villa Somalia ayaa Kenya ku eedeysay in ay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku cadaadineyso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taasoo liddi ku ah heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, isla-markaana ka hor imaaneysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dowladaha deriska ah.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhawaan waxa uu Madaxweyne Kuxigeenka Kenya, William Ruto uu ku eedeeyay inuu yiri ‘Waxaan bedeli doonnaa Madaxda Dowladda Federaalka’ ee haatan talada dalka haya, si buu yiri qaadkii Kenya loo geeyo Somaliya.

Tani ayaa kaga sii dari karta xiriirka labada dowladood, oo muddooyinkii ugu dambeysay ahaa mid liita.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com