Shabaab badan oo lagu dilay dagaalkii Bacaadweyne (SAWIRRO)

Dad fara-badan ayaa ku dhintay weerar dhawr jiho leh, oo saakay maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Shabaabka ayaa weerar si weyn loo soo qorsheeyay waxay ku ekeeyeen Xerada Ciidamada Militariga ku leeyihiin deegaankaasi, iyagoona iska caabin xoogan kala kulmay Ciidamada Militariga, oo gacan helaya maleeshiyaad deegaanka ah.

Shabaabka ayaa waxaa u suurtagashay inay muddo kooban la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Bacaadweyne, balse saacado ka dib ayaa lagu khasbay in ay dib uga baxaan.

Gurmad xoog leh oo gaaray deegaankaasi ayaa galabta dagaal culus la galay Shabaabkii dib uga gurtay Bacaadweyne. Labada dhinac ayuu dagaalka xoogiisu ku dhex maray inta u dhaxeyso Bacaadweyne iyo Cammaara.

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa war uu soo saaray waxaa lagu sheegay in dagaalkii galabta lagu dilay sagaal ka mida maleeshiyada Al Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku daba jooggaan firxadkii Shabaabka, oo ku sii jira dhulka hawdka ah ee u dhexeeya Cammaara iyo Bacaadweyne.

Taliska Qaybta 21aad ayaa sheegay dagaalka oo ahaa mid xoogan guud ahaan in Al Shabaab looga dilay soddon nin, oo isugu jira Saraakiil iyo maleeshiyaadba, isla-markaana ciidanka oo garabsanaya dadka deegaanka ay nolosha ku qabteen shan dagaalame.

Sawirro lagu soo bandhigay barta Taliska Qaybta 21aad ee Facebook ayaa muujinaya meydadka dagaal-yahanadii Shabaabka ee dagaalka lagu dilay iyo nin Sarkaal ah oo dhaawac ahaan lagu qabtay.

Dhanka kale ku dhawaad shan iyo toban qof oo isugu jira Ciidamada Militariga iyo dadka deegaanka ayaa dagaalka ku dhintay, kuwaa oo ay ku jiraan dumar iyo carruur.

Sidoo kale dhaawacyo fara-badan ayaa la dhigay isbitaalka Bacaadweyne, iyadoo la sheegay in isbitaalka uu xamili la’yahay bukaanada, sababo ku aadan dawada oo gabaabsi ka sii ah.

Dagaalkii maanta ka dhacay Bacaadweyne iyo nawaaxigeeda ayaa lagu sheegay mid ka mida dagaaladii ugu qaraaraa ee ka dhacay Gobolka Mudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com