Midowga Musharaxiinta oo dowladda uga digay in khilaaf ka dhex abuurto DG
Midowga Musharaxiinta ee u taagan jegada madaxtinimada ee dalka ayaa Dowladda Federaalka uga digay in ay markale khilaaf ka dhex abuurto Dowlad Goboleedyada.
Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa Magaalada Muqdisho uga soconaya kulamo gaar gaar ah, oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda dalka, gaar ahaan midda doorashooyinka.
Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta, Ridwaan Xersi Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa marka hore sheegay in Dowladda Federaalka ay ka doonayaan in doorashada ku qabato waqtigeeda, iyadoo markaasi laga fogganaayo in dib u dhac uu ku yimaado.
Afhayeenka ayaa sheegay in Golaha Musharaxiinta uu ka digayo khilaaf uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka dhex abuuri rabto Maamul Goboleedyada qaarkood, sida Jubbaland.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka looga baahnaa in siyaasad loo dhan yahay kula dhaqanto Maamul Goboleedyada, bedelkii ay dib u soo cusbooneysiin laheyd khilaafkii hore.
“Waxaynu maqleynaa arrimo ku wajahan Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sida Dowladda Jubbaland oo kale, oo ay dhici karto inay dib ugu bilaabanto dhibaatadii iyo mushkiladdii ka dhaxeeyay, oo ay ahayd in Dowladda Federaalku ay kula dhaqanto siyaasad loo dhan yahay.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Sidoo kale waxa uu Dowladda Federaalka ugu baaqay inay ahmiyadda 1aad siiso, waxna la qabato amniga dalka, gaar ahaan midda Magaalada Muqdisho, isagoona shacabka ka codsaday in ay gacan ka gaystaan xaqiijinta amniga.
Warka ka soo yeeray Midowga Musharaxiinta ayaa ku soo aadaya, xilli Dowladda Federaalka ay Kenya ku eedeysay in Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku cadaadineyso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taasoo liddi ku ah heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, isla-markaana ka hor imaaneysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dowladaha deriska ah.




Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com