Nin Shabaab ahaa oo lagu toogtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa saqdii dhexe ee xalay waxay Magaalada Muqdisho ku toogteen nin ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab, xilli uu doonaayay in wadada uu miino ku aaso.

Ninkan oo ujeedkiisu ahaa in miinada uu ku aaso Waaxda Horseed, Laanteeda Nation-ka ee Degmada Warta Nabadda ayaa waxaa ka hortagay ciidamada ammaanka.

Saynab Maxamuud Warsame (Saynab Xaabsey), Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda ayaa sheegtay in ciidamada ay arkayn ninkaasi, isla-markaana ay u suurtagashay inay toogtaan.

Gudoomiyaha ayaa ciidamada ammaanka ku ammaantay inay ku guuleysteen, oo ay ka hortaggeen qarax la doonaayay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Ciidamada ammaanka ayaa maalmo ka hor Degmada Xamar Weyne ku qabtay nin dhalinyaro ahaa, oo lagu eedeeyay in bambo gacmeyd uu ku tuuray Saldhiga Booliska ee Afar Irdood.

Tallaabada xalay lagu toogtay ninkan Shabaabka ka tirsanaa ayaa ku soo aadaysa, xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay Caasimadda Muqdisho ku soo badanayeen qaraxyo la dhigo hareeraha wadooyinka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com