Bannaanbax ka socdo Magaalada Gaalkacyo (SAWIRRO)

Dadka Magaalada Gaalkacyo ku nool, gaar ahaan qaybta Waqooyi ayaa ka banaanbaxaya cabashada la xiriirta diidmada shilinka Somaliga & Sicir bararka ku yimid.

Wadada Bartamaha ka marta Magaalada Gaalkacyo ayeey dadkaan ku gooyeen dhagxaan iyaga oo ku dhawaaqaya Shiling diide dooni mayno.

Halkii doolar Magaalada Gaalkacyo wuxuu ka marayaa 50 Shiling Somali, marka la fiiriyo qiimaha Sarifka, haddana shiling Somaliga way diideen ganacsatada qaarkood inay isticmaalaan.

Maalmahan dambe oo dhan dhibaatadan ayaa ka taagnayd Magaalada Gaalkacyo mana muuqato xal dhab ah oo Maamulk Magaalada & Ganacsatada ay ka soo wadaan, iyadoo arrintaan ay noqotay mid soo laa laabatay.

Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland wali arrintaan kama aysan hadlin oo xittaa Ciidamada Canshuurta qaada ayaa la sheegayaa inaysan Shiling Somali ku qaadeyn lacagta Canshuurta, waxaana ay ku qaadayaan lacagaha taleefoonada la isaga diro.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com