SAWIRRO: Shabaab oo soo bandhigay gaadiid dagaal oo ay ku qabsadeen dagaalkii Bacaadweyn

Xoogaga Shabaab ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal oo ay ku qabsadeen dagaal culus oo shalay ay ku qaadeen xero Ciidan oo ku taallo deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.

Shabaabka ayaa weerar si weyn loo soo qorsheeyay waxay ku ekeeyeen Xerada Ciidamada Militariga ku leeyihiin deegaankaasi, iyagoona iska caabin xoogan kala kulmay Ciidamada Militariga, oo gacan helaya maleeshiyaad deegaanka ah.

Shabaabka ayaa waxaa u suurtagashay inay muddo kooban la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Bacaadweyne, balse saacado ka dib ayaa lagu khasbay in ay dib uga baxaan.

Warbaahinta Shabaab taageerta ayaa lagu soo bandhigay gaadiid ay saaran yihiin qoryaha culus oo Shabaabka ay sheegteen inay ka qabsadeen Ciidanka Galmudug.

Gaari uu saarah yahay qoriga loo yaqaan Suuga & Cabdi bilayaal ayeey Shabaabka soo bandhigeen, waxaana ay sheegeen dagaalkii shalay inay ku dileen in ka badan 50 Askari, inkastoo sheegashadaasi aan la xaqiijin karin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com