Siyaasiyiinta Xisbiga TPLF ayaa sheegay inay sii daayeen afar kun oo askari, oo ka tirsan Ciidamada Federaalka, oo toddobaadyadii ugu dambeysay sida ay sheegeen u xirnaa.
Tigreyga ayaa sheegay in ciidamadan ay qayb ka ahaayeen Taliska Ciidamada Waqooyiga, ha yeeshee la xiray markii horaantii bishii November ay Ciidamada Tigreyga weerareen saldhiggii Militariga Federaalka ee halkaasi ku yaalay.
Militariga Itoobiya ayaa saldhig weyn oo ciidan ku lahaa Gobolka Tigreyga, ka hor inta aan la weerarin. Ciidamada ayaa laga kala keenay gobolada kala duwan ee dalkaasi.
Ka dib markii Xoogaga Tigreyga ay si lama fillaan ahayd u weerareen, ulana wareegeen gacan ku haynta saldhigaasi ayaa ciidamadii aan qowmiyadda Tigreyga ahayn ay isu dhiibeen TPLF.

Warbaahinta Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in la sii daayay in ka badan saddex kun oo askari. Warbaahinta waxay sheegtay in ciidamadaasi ay ku jiraan kuwo ka soo jeeda deegaanka Tigreyga, balse diiday inay dagaalamaan.
Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa shalay sheegay in Ciidamada Militariga ay ku guuleysteen dagaalkii in ka badan saddexda toddobaad ka socday gobolkaasi, walow ay TPLF sheegtay in weli uu dagaalku socdo.
Dagaalka Waqooyiga Itoobiya ayaa la sheegay inay ku dhinteen boqolaal qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah, balse Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed waxa uu Baarlamaanka u sheegay inaanan qof shacab ahi lagu dilin dagaalkaasi.
TPLF ayaa Isniintii sheegtay inay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada labaad ee gobolkaasi ugu weyn ee Askum, isla-markaana ay soo rideen diyaarad dagaal, ha yeeshee dowladda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com