Wasiirka Amniga Hirshabelle oo faah faahiyay cilad ku timid Diyaarad uu la socday G/Baarlamaanka Hirshabelle

Kadib markii cilad farsamo ay ku timid diyaarad uu la socday Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle & tiro Xildhibaano ah, kuwaasi oo ka ambabaxay Jowhar, kuna sii jeeday Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa Wasiirka Amniga Hirshabelle wuxuu faah faahin ka bixiyay arrintaasi.

Maxamed Cabdiraxmaan Khayre, Wasiirka Amniga Hirshabelle ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa xiriirka bulshada wuxuu ku sheegay diyaarad nooceeda uu yahay Fokker 50(50Qaad) oo ay leedahay shirkada SOM EXPRESS inay ka raaceen Jowhar, kuna sii jeedeen Magaalada Beledweyne.

Waxa uu sheegay Diyaarad oo 10 daqiiqo u jirta Magaalada Beledweyne cilad inay ku timid mid ka mid Matoorada Diyaarada, islamarkaana uu damay hal mator, iyadoo duuliyihii diyaarada go,aan uu ku qaatay inuu ka dajiyo dadkii saarnaa diyaarada Magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka mid ahaa wafdi uu hogaaminayay Gudomiyaha Baarlamaanka Hirshaballe, Mudane Abdihakim Luqmaan oo ka kooban Wasiiro, Xildhibano, Saraakiil iyo hawlwadeenada Barlamaanka Hirshabelle. Garoonka Caasimadda Dowlad Goboledka Hirshabelle ee Jowhar ayaan ka raacnay diyarada nooceeda tahay Fokker 50(50Qaad) oo ay lee dahay shirkadda SOM EXPRESS, waxayna ahayd inay nageyso Magalada Beledweyne oo uu ahaa ujeedka safarkeena inaan halkaas tagno. Xilli aan ku dhaween Magaalada Beledweyne qiyaastiina aan u jirno wax ka yar 10 daqiiqo ayaa waxaa naga damay motoor ka mid ah 2dii motoor ay diyaaradda ku shaqeynaysay. Waxaan filleynay in halka motoorka ee inoo shaqeynayo aan ku taggi karno Beledweyne maadaama ay aad inoogu dhaweed, laakiin nasiibdarro duuliyihii diyaaradda ayaa ku adkeestay inuu naga dajiyo Garoonka Magaalada Muqdisho oo qiyaastii safar ahaan qaadaneyo inaan tagno 50daqiiqo. Nasiib wanaag Ilaahay wuu nagu nabad keenay halkii motoor Muqdisho Alxamdulilah.” Ayuu bartiisa xiriirka Bulshada ku soo qoray Wasiirka Amniga Hirshabelle.

Xubnaha Wafdigan ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, balse ujeedka safarkooda ayaa ahaa Magaalada Beledweyne.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com