Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in Rooble lagu cadaadinayo in Jubbland u aqoonsado deegaan cadow haysto

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ku cadaadinayo in Jubbaland u aqoonsado deegaan uu cadow haysto, doorashadana aan lagu qaban karin.

“Waxaan xog sugan ku helaynaa in Madaxweyne Farmaajo uu ku cadaadinayo Ra’iisal Wasaare Rooble in uu Jubbaland u aqoonsado deegaan cadow haysto, doorashana lagu qaban karin ilaa iyo inta laga xoreeynayo.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Ra’iisal Wasaare Rooble uga digay inuu sidaasi aqbalo, haddii kalana ay noqon doonto qar iska tuurnimo iyo daldalaad siyaasadeed.

“Haddii uu sidaas yeelo waa qar iska tuurnimo iyo daldalaad siyaasadeed, waxaana ugu baaqayaa RW Rooble in uusan taladaas yeelin.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo warkan ku sheegay qoraal uu caawa soo dhigay bartiisa Facebook.

Dowladda Somaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin buuxdo ku hayso Jubbaland, isla-markaana ay Madaxweynaha Jubbaland ku cadaadineyso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com