SAWIRRO: General Odawaa oo tababar u soo xiray cutub ka tirsan Danab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa tababar u soo xiray cutub cusub, oo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab.

Munaasabad lagu qabtay Garoonka Ballidoogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa tababarka loogu soo xiray ciidankan cusub.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa salaan sharaf ka qaatay xoogaga loo tababaray inay ka mid noqdaan Kumaandooska Danab, iyadoo muddooyinkii ugu dambeysay uu tababarkooda ka socday saldhiga Mareykanka ku leeyahay Garoonka Ballidoogle.

Ciidanka cusub ee Danab ayaa dhoolatus ku soo bandhigay Garoonka Ballidoogle, xilli ay daawanayeen xubno uu ugu sareeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

General Odawaa Yuusuf Raage oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ciidankan ka qayb qaadan doonaan gulufka militari ee ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Xoogaga Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sanadkan door weyn ka qaatay gulufkii Shabaabka looga saaray Degmada Awdheegle iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, sida Janaale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com