Maamulka Air Djibouti oo ka hadlay shilka diyaaradooda ku gashay Garoowe

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Air Djibouti ayaa maanta shil ku gashay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe, iyadoo dhinaca kalana aanay jirin cid wax ku noqotay shilkaasi.

Diyaaradan oo nooceedu uu ahaa Boeing 737-500 ayaa rakaabka ka soo qaaday Magaalada Hargeysa, waxaana uu safarkeeda ku wajahnaa Magaalada Garoowe.

Diyaaradda ayaa ku dhacday dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan, ka dib markii ay qarxeen labada lugood ee dambe, sida uu sheegay Agaasimaha Shirkadda Diyaaradaha ee Air Djibouti, Cabdiraxmaan Cali Cabdullaahi.

Agaasimaha oo la hadlay BBC ayaa tilmaamay duuliyaha oo ahaa nin khibrad badan inuu diyaaradda si wanaagsan u fariisiyay, mana jiraan buu yiri wax rakaab ah oo wax ku noqday.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay iminka wadaan qorshe ay taayaro ugu dirayaan Magaalada Garoowe, si ay dib ugu hawlgasho diyaaradda.

Cabdiraxmaan Cali Cabdullaahi, Agaasimaha Shirkadda Diyaaradaha ee Air Djibouti ayaa dhacdadan ku sifeeyay maqaadiir aan laga baaqsan karin, isla-markaana aanay diyaaradda horey ugu ogayn wax cilad ah oo taayarada ka haystay.

Dhammaan rakaabkii diyaaradda la socday oo 39 qof ahaa iyo shaqaalihii diyaaradaba ayaa iyagoo badqaba laga soo saaray diyaaradaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com