Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Garowe

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Jabuuti Airlines ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ka dib Markii cillad matoorka ah ay soo wajahday.

Diyaaradan ayaa ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe, balse rakaabkii saarnaa waxyeelo ma aysan soo gaarin oo si nabad ayeey uga dageen Diyaarada.

Qaybta taayarada Diyaarada ayaa waxaa la sheegay inay waxyeelo soo gaartay markii diyaarada Garoonka ay ku dhacday.

Sidoo kale waxaa la sheegay gaadiidka dabdamiska Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe inay ciladeysnaayeen, taasi oo haddii diyaarada dab uu ka kici lahaa gurmad la,aan ay ahaan laheyd.

Saraakiisha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe ayaa sheegay inay badqabaan dhamaan rakaabkii & hawlwadeenadii Diyaarada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com