Xildhibaanada G/waqooyi oo sheegay inaanu metelin Guddoomiyaha Aqalka Sare

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa sheegay inaanu metelin Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qoraal ay soo saareen oo ay ku saxiixan yihiin 47 Xildhibaan ayay ku sheegeen inaanu Gudoomiyaha Aqalka Sare ku metelin hadalada iyo qoraaladiisa ka dhanka ah Guddiyada Doorashooyinka.

Qoraalka ayay ku sheegeen in Dhismaha Guddiyada Doorashooyinka loo maray, si waafaqsan heshiiskii siyaasadeed.

Akhriso qoraalka Xildhibaanada

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com