Xukuumadda oo si toos ah Kenya ugu eedeysay faragelin inay ku hayso arrimaha gudaha Somaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay waddo dhaqdhaqaaq ay ku faragelineyso arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana damac gaar ah ka leedahay tallaabadaas.

Hadalkaan ayaa maanta waxaa sheegay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe, kadib markii uu Saxaafadda kula hadlay Muqdisho.

Wuxuu sheegay in Kenya ay u hayaan ixtiraam iyo deris wanaag, balse aysan Kenya ka muuqan ilaalinta arrintaas.

“Kenya kama muuqato deris wanaag ee waxaa ka muuqdaa damacdaba socda riyo maalmeed aan munaasab aheyn iyo qaran ku dhisan dhalanteed oo ay ku hunguriyeeyneyso dhulka iyo badda Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Nairobi waxay noqotay meesha Soomaaliya lagaga soo duulo, lagana noqdo heshiisyada lagu gaaray Soomaaliya, lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed oo ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee dalkeena.”

Waxa kaloo uu yiri “Kenya waxay faragelin joogta ah ku haysaa Maamulka Goboleedka Jubbaland, oo ay madaxdiisu ku qasabto arrimo ka soo horjeedo oo ka dhan ah danta iyo wadajirka umadda soomaaliyeed.”

Hadalka ka soo yeeray Wasiir Dubbe ayaa daba socdo go’aankii ay maalmo ka hor Somaliya dib ugu yeeratay Safiirkeedii u joogay dalkaasi Kenya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com