Baarlamaanka Puntland oo Xasaanadii ka qaaday Sideed Xildhibaan

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa xasaanadii ka qaaday Sideed Xildhibaan oo lagu soo eedeeyay inay jabiyeen xeer hoosaadka Golaha & Anshaxa.

35 mudane oo katirsan Baarlamanka Puntland ayaa u gacan taagay in xasaanadda xildhinanimo laga qaado 8 mudane oo kamid ahaa Xildhibaano dhawaan shir ku qabtay Garoowe.

Xildhibaanadaasi ayaa waxa ay eedeyn u jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf, balse iyagiina maanta ayaa xasaanadii laga qaaday.

39 Xidhibaan ayaa fadhiga maanta soo xaadiray 3 Xildhibaan waydiideen in xasaanadda laga qaado xildhibaanada halka 1-mudane uu ka aamusay.

Xildhibaannada xilka laga qaaday ayaa kala ah:

  • Xildhibaan Cabdijamal Cismaan
  • Xildhibaan Cabdiqani surato
  • Xildhibaan Muuse Jajabsay
  • Xildhibaan Cabdicasiis Baduugaaye
  • Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre
  • Xildhibaan Saleeban Faarax.
  • Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore
    -Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com