Gudoomiyihii Gobolka Gedo ee dowladda oo shaqo joojin lagu sameeyay

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ee taabacsan Dowladda Federaalka, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa shaqo joojin ku-meel-gaar ahi lagu sameeyay.

Warqad uu soo saaray Wasiir Kuxigeenkii Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, haatana ka mid ah Masuuliyiinta Dowladda Federaalka uga wakiilka ah Gobolka Gedo ayaa shaqada looga joojiyay Gudoomiyihii Gobolka, muddo shan iyo toban cisho ah.

Shaqo joojintiisa ayaa lagu sababeeyay wada shaqayn la’aan iyo inuu Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen dhageystay cabasho kaga timid bulshada deegaanka iyo Maamulada Degmooyinka.

Xilka Gudoomiyaha Gobolka ayaa waxaa si KMG ah loogu magacaabay Nasteex Cabdi Saalax, oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Maaliyadda ee Gobolka Gedo.

Shaqo joojinta lagu sameeyay Gudoomiye Macalimuu ayaa ku soo aadaysa, xilli Arbacadii uu is bedel ku sameeyay xubno ka tirsan Maamulada Degmooyinka Doolow iyo Beled Xaawo.

Macalimuu ayaa is bedelkaasi ka dib waxa uu isla Arbacadii safar dhinaca dhulka ah ku tagay Degmada Luuq, ka dib markii uu ka ambabaxay Degmada Doolow.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com