Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Ingiriiska ee Somaliya, Amb. Ben Fender.
Labada dhinac ayaa waxay iska xog wareysteen arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo hawlaha hortabinta leh, ee Galmudug waddo.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu Safiirka ingiriiska kaga mahadceliyay doorka ay dowladdiisu ku leedahay horumarinta dalka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Amb. Fender uu ballanqaaday in dowladdiisu ay joogteen doonto taageerada ay la garab taagan tahay Somaliya, gaar ahaan shacabka iyo Dowlad Goboleed Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor oo tan iyo 15-kii bishii hore ee November ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka wada kulamo siyaasadeed, oo intooda badan taabanaya doorashooyinka uu muranka badani hareeyay, ee lagu wado in ay dalka ka dhacaan bilowga sanadka soo socda.





Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com